Imaaraadka Carabta oo lagu eedeeyay in uu taageero kooxo Al Shabaab kamid tahay

Dowlada Turkiga ayaa ku eedeesay dowlada Imaaraadka Carabta in ay taageerto ururo argagaxiso ay kamid tahay Ururka Al Shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya kana soo horjeeda jiritaanka dowlada federaalka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga Hami Aksor ayaa sheegay in dowlada Imaraadka ay taageerto kooxda Al Shabaab, waxa uuna tilmaamay afhayeenka in taageerada Imaaraadka ee Al Shabaab aysan aheyn mid qarsoon.

Waxa uu sidoo kale Afhayeenka Wasaarada arimaha dibadda Turkiga ku eedeeyay dowlada Imaraaadka carabta in ay taageerto isbaheysiga gooni u goosadka dalka Yemen isla markaana qeyb ka yahay Imaaraadka qalalaasaha ka jira dalka siiriya.

Dowlada Turkiga iyo Imaaraadka ayaa mudooyinkii dambe xiriirkoodu ahaa mid sii xumaanayay, waxaana labada dowladood kala taageeraan dowlada la aqoonsan yahay ee Liibiya iyo kooxda Khalifa Haftar hogaamiyo ee dooneysa in xoog kula wareegto Liibiya.

Imaaraatka Carabta ayaa marar badan lagu eedeeyay in ay taageerto kooxo qalalaase kawada qaar kamid ah Wadamada Carabta, Imaaraadka ayaana dhankiisa eedeemahaasi beeniyay kuna tilmaamay kuwa siyaasadeed.

- Advertisement -