Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Nolosha qoysaska dadkii lagu dilay Muqdisho oo la kafaalo qaaday

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa caawa guryahooda ku booqday qoysaskii ay ka baxeen Allaha unaxariisto Madiina Cabdullaahi Cabdi iyo Xasan Cali Cadaawe oo si sharci daro ah lagu dilay inkastoo dowlada Soomaaliya ay gacanta ku dhigtay askarigii dilkaas geestay.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa qoysaskii uu la kulmay u sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu kafaala qaaday nolashooda islamarkaana dhawaan sharciga la horkeeni doono askarigii dilka geystay.

“Waxaan marka hore idin kaga tacsiyeynaya dhibkii dhacay oo ahaa mid aad u foolxun islamarkaana qalbigeyga xanuujisay waana sababta keentay inaan hortiina imaado, sidoo kale madaxda dowlada wey xanuujisay waxeyna diyaar u yihiin in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horkeeno gacan ku dhiiglihii falkaas arxandara ah geystay” ayuu yiri Cumar Filish.

Dilka askarigan uu kula kacay labada qof ayaa dhaliyey caro badan iyo banaanbaxyo rabshado watay oo habeen hore illaa shalay ka socday magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Axmed Madoobe oo magacaabay Xubno guddi ah oo wax ka qabta Dhibaato taagan

Cabdi Cade

Mareykanka oo Daacishta Somalia ku weeraray dayuradaha F/A-18F

Caydiid Ali

Tirada khasaaraha Dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay rabshadaha Laascaanood oo la Shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---