Puntland oo karantiishay dad ay Ajaaniib ku jiraan oo looga shakiyay Covid-19

Maamul goboleedka Puntland ayaa maanta karantiishay dad looga shakiyay in ay qabaan caabuqa Caronavirus, waxaana dadkaasi la geeyay goob gaar ah oo wasaarada caafimaadka Puntland ugu tala gashay in lagu karantiilo dadka laga shakiyo.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in la karantiilay shan qof oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib, waxa uuna tilmaamay in dadkaasi laga qaaday dhiicaan lagana dhursugayo natiijada baaritaanka.

Waxa uu sheegay Wasiirka in ay socdaan dadaalo ay maamul ahaan uga hortagayaan cudurka Caronavirus ee sida fudud ugu faafay dunida, waxa uuna sheegay in la diyaariyay goobo loogu tala galay in la geeyo dadka laga shakiyay.

Wasiir Cabdinaasir Yuusuf Xaaji ayaa dhinaca kale beeniyay warar soo baxayay oo sheegaya in qof qaba cudurka Caronavirus lagu arkay magaalada Garawe, waxa uuna warkaasi ku tilmaamay mid waxbo kama jiraan ah.

Sadex kiis oo Caabuwqa Caronavirus ayaa laga helay gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana socda dadaalo dowladu wado oo looga hortagayo in caabuqan gudaha dalka kusii faafo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -