Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Kenya oo shaacisay in uu baaqday kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru

Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dib u dhac ku yimid kulan la qorsheeyay in magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ku dhax maro Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Wasaarada Arrimaha Dibbada Kenya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegay in dib u dhac ku yimid kulankii dhax mari lahaa Madaxda Soomaaliya ,Kenya iyo Itoobiya, mana sheegin Wasaarada sababta rasmiga ah ee dib u dhaca kulanka keenay.

Qoraalka kasoo baxay Wasaarada arimaha Dibadda Kenya ayaa lagu sheegay  duruufo aan laga fursan Karin awgeed uu keenay dib u dhaca ku yimid kulanka Nairobi ku dhax mari lahaa kulanka Sadexda Madaxweyne.

Dowlada Kenya ayaa magaalada Nairobi ku marti qaaday Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, waxaana la badan masuul kulan looga hadli lahaa xiisada Soomaaliya iyo Kenya la yeelan lahaayeen Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kheyre oo balan qaad muhiim ah u sameeyay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiirka arimaha gudaha Kenya oo booqasho deg deg ah ku yimid Muqdisho iyo kulamo socda

Cabdi Cade

Ciidanka DF oo howlgal ku soo qabtay Cali Geelle oo ka tirsanaa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---