Cabdiweli Gaas oo lagu soo dhaweeyay Madaxtooyada Puntland (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland sanad kadib doorashadii looga guuleestay dib ugu laabtay Madaxweyinihii hore ee PuntlandĀ Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Garawe waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynihii hore Puntland masuuliyiin katiran maamulka, waxgarad iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee Bulshada Garawe.

Cabdiweli Gaas ayaa markii dambe loo galbiyay Madaxtooyada maamulka Puntland , axaana halkaasi kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi DeniĀ  iyo mauuliyiin kale.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas iyo masuuliyiin kale oo kasoo jeeda deegaanada Puntland ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan shir looga hadlayo aayaha Puntland oo dhawaan ka dhacaya magaalada Garawe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -