Dowlada Somalia oo Shirkado reer Galbeed ah la gashay heshiis sahmin Shidaal

Dowlada Soomaaliya ayaa heshiis la gashay shirkadaha baara shidaalka ee Shell iyo Exxon.
Heshiiskan oo ah mid is afgarad oo bilow ah qorshe labadan shirkadood ay sahan uga bilaabayaan xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka Soomaliya C/rashiid Maxamed Axmed ayaa soo dhoweeyey heshiiskan isagoo xusay inuu rajo badan ka qabo sahminta lagu sameynayo xeebaha Soomaaliya in guul laga gaari doono.

Heshiiskan ayaa yimid xilli Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo uu saxiixay sharciga lagu maamulayo Batroolka dalka kaasoo wadada u xaaraya sidii sahamin shidaal looga bilaabi lahaa dalka gaar ahaan beriga iyo badda.

Keyd shidaal oo baaxad leh ayaa ku jira xeebaha Soomaaliya kaasoo dadka Soomaalida ka saari kara faqriga hadii la soo saaro, dhaqaalaha ka soo galana si cadaalad ah loo maamulo sida ay sheegeen khubarada caalamiga ah ee ku xeeldheer kheyraadka ku jira geeska afrika

Si ay uga qeybgalaan tartanka baarista shidaalka ee Soomaaliya ayaa labadan shirkadood waxay sanadkii hore siiyeen dowlada Somalia lacag gaareysa 1.7 Malyan oo dollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -