Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Al-Shabaab oo weerar dhimasho geystay ku qaaday Bus Nairobi ku sii jeeday

Wararka ka imanaya Gobolka Mandera ayaa sheegaya in weerar lala beegsaday baabuur bas ah uu maanta ka dhacay degaankaas.

Wararka aanu ka helnay dadka degaanku waxa ay sheegayaan in dabley la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerareen baabuurka oo u socday magaalada Nairobi.

Wararka hordhaca ah ee nasoo garaaya ayaa sheegaya inuu jiro khasaare nafeed oo ay gaysteen dableyda weerartay baabuurkaas baska ah.

Ugu yaraan saddex ka mid ah rakaabkii la socday gaarigaas ayey wararku sheegayaan in lagu dilay weerarkan.

Baska la weeraray ayaa waxaa iska leh shirkadda lagu magacaabo Moyale Raha, waxaana uu ka mid yahay basaska ay isticmaalaan dadka rayidka ah ee iskaga kala gooshaya gobollada Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska Soomaaliya oo War kasoo saaray Caruur Walaalo ah oo si xun loo dilay

Cabdi Cade

Waa Kuma Masuulkii ugu horeeyay oo xili habeen ah ka dhoofay kana soo dagay Garoonka diyaaradhaa Muqdisho !!

admin

Baaq isku mid ah oo loo diray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne William Ruto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---