Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Sawirro) Xoghayaha A/dibadda Mareykanka oo Addis Ababa kula kulmay Madaxda Itoobiya

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa gaaray dalka Itoobiya halkaas oo uu kulan kula qaadanayo ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Labada masuul ayaa waxaa lagu wadaa inay ka wadahadlaan arrimaha nabadgelyada gobolka iyo ismari waaga u dhexeeyo Masar iyo Itoobiya kaasoo ku saabsan muranka ka dhashay dhisidda biyo xireenka weyn ee laga dhisayo Webiga Nile.

Mareykanka wuxuu waday dadaallo uu ku dhexdhexaadinayo Masar iyo Itoobiya.
Masar waxay si weyn ugu tiirsan tahay biyaha Webiga Nile isla markaana waxay ka casbi qabtaa in biyo xireenka ay Itoobiya dhiseyso uu hoos u dhac ku keeno biyaha dalkeeda u soo gudbaya.

Pompeo ayaa sidoo kale waxay shir jaraaid ku wada qabteen magaalada addis ababa dhigiisa dalka Itoobiya Gedu Andargachew.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Burburka gantaal hawada sare oo laga baqayo inuu Kenya kusoo dhaco

Cabdi Cade

Israel oo ashtako u gudbisay Ruushka iyo kooxda Xamaas oo Sabab u noqotay

Cabdi Cade

Turkiga oo War cusub kasoo saaray qaabkii loo dilay Wariye Jamal Khashoggi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---