Al-Shabaab oo War ka soo saartay Khasaaraha weerarkii xerada ciidanka Gorgor

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha laga soo buuxiyey kaasoo shalay lagu qaaday xero ciidanka kumandoska Gorgor ku leeyihiin degaanka Kala beyr ee gobolka Hiiraan

War ay soo saartay Al-shabaab ayey ku sheegtay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan oo lagu beegsaday ciidamo duullaan ku ahaa ku dhaqanka shareecada Islaamka sida ay warka u dhigeen.

“Mujaahid Istish-haadi ah ayaa beegsaday ciidamo ka mid ah kuwa ay cadawgu u soo carbiyeen la dagaalanka ku dhaqanka shareecada Islaamka ee dalka Soomaaliya. Dhimashadu waa 19 askari, dhaawucuna waa 23 kale” Sidaas waxaa yiri Shiikh C/casiis Abu Muscab, afhayeenka ciidamada Al-Shabaab.

Abu Muscab ayaa sheegay in dhimashada iyo dhaawaca ay ku jiraan saraakiishii hogaaminaysay ciidamada.

“Taliyihii hogaaminayay ciidamadaas goobta ayuu ku halaagsamay, 3 sarkaal oo kale iyaguna dhimashada ayay ku jiraan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Abu Muscab.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in weerarkan ay ku dhinteen 3 askari oo uu ku jiray Generaal Takar Subagle Furcas oo ahaa taliyaha guutada 18aad ee ciidanka Gorgor.

 

- Advertisement -