Allbanaadir.com
NEWS

Nin qaawan oo toogasho dad lagu laayey ka geystay Magaalada Nashville (Daawo Sawirro)

Booliska Gobolka Tennessee ee dalka Mareykanka ayaa sheegay nin isa soo qaawiyey inuu afar qof ku dilay mukhaayad ku taalla magaalada Nashville.

Ninkani wuxuu maqaaxida Waffle House soo galay 03:25 wuxuuna rasaas oodda kaga qaaday dadkii meesha ku jiray.

Laba qof oo kale ayaa ku dhaawacantay oo mid ka mid ah uu ninkani qoriga la qabsaday kaddibna halkaa dhaawa ka soo gaadhay.

Booliska ayaa ku raad joogo soo qabashada ninkaasi oo lagu magacaabo Travis Reinking, oo 29 jir oo ka soo jeeda Illinois.

Afhayeenka Booliska Nashville Don Aaron ayaa wuxuu sheegay in sanadki hore ninkaasi la xidhay kaddib marki uu galay goob mamnuuc ah oo ka tirsan Aqalka Cad ee Mareykanka.

James Shower Jr, oo ah ninka dad badan badbaadiyey oo qoriga la qabsaday dilaaga oo warbahinta Mareykanka u warramay ayaa sheegay inuusan geesi iisu arag, balse uu iisu arko inuu yahay nin naf jecel.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Goob uu Shaqo ka helay u lugeeyay 32-km oo gaari la siiyay Farxadna la Ooyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ayaxa dayuurad ku qasbay iney ka laabato garoon ay ku degi laheyd (Sawirro)

Caydiid Ali

Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo talo muhiim ah siiyey Laftagareen

Caydiid Ali
Taboola Ads ---