Diyaarad Rakaab siday oo shil ku gashay garoonka Diyaaradaha Istanbuul (Daawo Sawirro)

Diyaarad siday rakaab oo kasoo duushay garoon diyaaradeed oo kuyaala gobolka Izmir ee ku yaalla galbeedka dalka Turkiga ayaa shil khasaaro geestay ku gashay garoonka diyaaradaha ee magaalada Istanbuul.

Diyaaradan oo laheyd shirkada diyaaradaha Pegasus ayaa dhabaha ay diyaaradaha ku ordaan ka baxday xili ay kasoo dageysay garoonka diyaaradaha Istanbuul, waxaana diyaarada u kala go’day dhoor qeybood.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay shilkan diyaaradeed ee caawa ka dhacay magaalada Istanbuul, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad gaaraya 139-qof kuwaa oo dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Diyaarada shilka gashay ayaa waxaa la socday 171 qof oo rakaab ah iyo 6 ka mid ah shaqaalaha diyaaradda, waxaana la xiray garoonka shilku ka dhacay iyadoona diyaaradihii kasoo degi lahaa loo weeciyay garoomo kale.

Wasiirka gaadiidka Turkiga Mehmet Cahit Turhan ayaa sheegay in diyaaradan Boeing 737 ay xawaaraheeda yareyn waysay ka dib markii ay soo caga dhigatay, waxaana wasiirku sheegay in la baarayo waxa shilkan sababay.

Diyaarada shilka gashay ayaa rakaabkii saarnaa intooda badan waxa ay ahaayeen muwaadiin u dhashay dalka Turkiga, waxaana warbaahinta dalkaasi ku warameen xiliga uu shilku dhacayay in uu socday roob xoogan sidoo kale ay jireen dabeylo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -