Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Maamulka G/Banaadir oo dhagax dhigay waddo si casri ah loo dhisayo

Maamulka Gobolka Banaadir iyo kan Degmada Warta Nabadda ayaa si wadajir ah u dhagax-dhigay dhismaha waddo dhirirkeedu gaaraya 700m, oo horumarta Garoonka Cayaaraha ee Municipio, taasoo la dhigayo (Interlog).

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhanka Howlaha Guud, Aadan Sheekh Cali Fiidow iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhanka Arrimaha Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed, ayaa dhagax-dhigay wadadaasi, iyagoo shacabka Degmada kula dar-daarmay in ay ilaashadaan kana faa’ideystaan waddadaasi.

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Seynab Xaabsey ayaa sheegtay in dhismada waddadaan ay ka faa’ideysanayaan shacabka ku dhaqan Degmada, kuwaasoo shaqo abuur loogu dhigay, isla markaana marka ay soo idlaato ay xil ka saaran tahay sidii ay u wada ilaashan lahaayeen, waxa ayna Maamulka Gobolka ugu mahadcelisay fulinta Mashruucaan oo qeyb weyn ka qaadanaya dib u dhiska Degmada iyo kan Caasimadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Duco dhaqameedka (Istaqfurowga) oo galabta lagu qabtay degmada Xamar-weyne (Sawirro)

Caydiid Ali

Itoobiya oo soo saartay amar cusub oo lagu xirayo ku dhowaad 170 qof

Caydiid Ali

Dowladda Turkiga oo go’aan lama filaan ah ka qaadatay Kiiska dilkii Jamal Khashoqji

Cabdi Cade
Taboola Ads ---