Itoobiya oo soo saartay amar cusub oo lagu xirayo ku dhowaad 170 qof

Dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa amar ku bixisay in lasoo xiro 167 qof oo lala xiriirinayo dagaalka ka taagan gobolka Tigray.

Bayaan kasoo baxay xeer ilaaliyaha guud ee dowlada Itoobiya Gedion Timothewo ayaa lagu sheegay in TPLF ay wadaan dambi halis ah sida ku xusan sharciga la dagaallanka dambiyada dalka.

Wuxuu sheegay in weerarka lagu qaaday ciidamada xoogga dalka uu ahaa tallaabo dambi ah oo la doonayay in lagu wiiqo awoodda difaaca Qaranka.

Gedion Timothewo wuxuu ku tilmaamay gantaalladii lagu garaacay gobolka Amxaarada inay ahaayeen falal argagixiso.

Saddexdii maalmood ee loo qabtay inay isku soo dhiibaan xooggaga TPLF iyo madaxdooda ayaa Arbacada ku eg, hase ahaatee Hoggaamiyaha TPLF ayaa ku gacan seyray baaqaas, isagoo  sheegay shacabkiisu diyaar u yihiin iney u dhintaan difaacidda xuquuqda ay u leeyihiin iney deegaankooda iyagu maamulaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -