Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyey sharci khuseeya Ciidanka Xoogga dalka (Sawirro)

Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ansixiyay Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Kulankii 31aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayada oo uu
Ajanda Kulanka:

1)Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka.

2)Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Kulanka waxaa shir guddominaayo Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayada oo ay ku-wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Guddomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Maxamed Amiin Sheekh Cismaan uu Golaha Aqalka Sare ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada,Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Golaha Aqalka sare aya ansixiyey Hindise-sharciyeedkani. Waxaa Ogaalada 30 Senatar, Waxa Ka amusay 1 Senatar, Wax diiday majirin.

Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaafiic caawa lagu weeraray Ciidamada Maraykanka ee jooga magaalada Baqdaad

Caydiid Ali

Ciidamada Kenya oo heegan la geliyay xili la xusayo Weerar Al Shabaab dalkaasi ka geesteen

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo arrin muhiim ah kala hadlay Mike Nithavrianakis una mahad-celiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---