Allbanaadir.com
NEWS

Cumar Finish oo qaraxii Muqdisho ka sheegay Hadal ay aad u dhibsadeen Shacabka Muqdisho !!

Gudddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo saakay markii qaraxa dhacay kadib gaaray Isgooska Ex-Control Afgooye ayaa halkaasi ka sheegay hadal ay aad u dhibasdeen Shacabka Muqdisho.

Cumar Finish ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxay laga soo buuxiyay la doonayay in magaalada lasoo galiyo laguna waxyeeleeyo sida uu tilmaamay masuuliyiin, waxa uuna u mahad celiyay ciidamada amaanka uu sheegeen in arintaasi kahor tageen.

Waxa uu sheegay Cumar Finish in bartilmaameedka qaraxa uusan aheyn Isgooska Ec-Koontarool Afgooye balse uu ahaa goob muhiim ah oo magaalada katirsan lana doonayay in masuuliyiin muhiim ah wax lagu gaarsiiyo.

”Waxaan rabaa in aan halkan uga mahad celiyo ciidamadii amniga ee shafka u dhigay ka bad baadiyay dhagar qabayaashu hagar daamadii ay soo abaabuleen in ay gudubto magaalada , waxa ay doonayeen in qaraxa usoo gudbo magaalada si goobo muhiim ah iyo masuuliyiin muhiim ah uu u baabi’iyo, aad ayaan ugu mahad celineynaa ciidamada waana sababtii ay u qaateen tuutaha iyo qarayga in qatarta hacabka Soomaaliyeed soo gaari laheyd iyagu xabadka u dhigaan,” ayuu yiri Cumar Finih.

Dad badan ayaa isweediiyay hadii ciidamada fashiliyeen kana hortageen qaraxa sabbata keentya in ay dhintaan dad ka badan 100-qof oo shacab ah kuna dhaawacmaan tiro kale oo badan, waxa ayna dadku sheegeen in Cumar Finish waxba u arag khasaaraha shacabka kasoo gaaray qaraxan.

Hadalkan uu heegay Cumar Finish ee ku aadan in laga hortagay in qaraxan magaalada soo galo laguna dilo masuuliyiin ayaa dhaliyay caro badan oo dhanka shacabka ah gaar ahaan qoysaskii dadkooda ku dhamaadeen qaraxa ayaa aad uga xumaaday.

Waxa ay sheegeen dadkii ka fal celiyay hadalkan in uusan aheyn mid masuuliyad ka muuqatay, waxa ayna tilmaameen in Cumar Fimish uusan xanuun u arag dadkii tirada badnaa ee ardayda u badnaa  qaraxa ku dhamaatay balse taasi uga darneyd in masuuliyiin wax ku noqdaan qaraxa.

Hadalka kasoo yeeray Cumar Finish ayaa hadal heyn badan iyo caro ka dhaliyay Baraha bulshada, waxa ayna dadku ugu baaqeen Gudoomiyaha in uu ka fiirsado hadalada carada dhalin kara ee afkiisa kasoo baxaya waxna u dhimi kara sumcadiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Sudan oo Digniin adag hawada u marisay Dowlada Itoobiya xili xiisad u dhaxeyso

Cabdi Cade

Isbitaalka taqasusiga ah ee Guled Specialist Hospital oo xariga laga jaray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xil kaqaadis sameenaya iyo Shaqsiga ay hada seefta Dul saaran tahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---