Dowlada Sudan oo Digniin adag hawada u marisay Dowlada Itoobiya xili xiisad u dhaxeyso

Dowlada Sudan ayaa soo saartay digniin adag oo la xariira in Dowlada Itoobiya ay buuxiso mashruuceeda biya xireenka Wabiga Niil , waxa ayna Dowlada Sudan sheegtay in talaabadaasi halis ku yahay dalkeeda.

Wasiirka Kheyraadka Biyaha ee Sudan Yasser Abbas ayaa sheegay in tallaabo kasta oo Itoobiya ay kaligeed u qaaddo inay ku buuxiso mashruuceeda biya xireenka koronta ee bisha Jully uu si toos halis ugu yahay ammaanka qaranka ee Sudan.

Waxa uu sheegay Wasir Yasser in marar badan la isku mari waayay wadahadalo arintan laga yeeshay, waxa uuna ku baaqay si khilaafkan xal looga gaaro in door dhax dhaxaad ah ka noqdaan dalalka Mareykanka, ururrada midwoga Yurub iyo modwga Africa.

Warkan kasoo baxay dowlada Sudan ayaa kusoo aadaya xili uu sii kordhayo khilaafka u dhaxeeya Xukuumadaha Khartuum iyo Adis Ababa oo isku haya dhul beereed xadka kuyaala iyo sidoo kale buuxinta biyo xireenka Itoobiya ka dhiseyso Wabiga Niil.

Itoobiya ayaa sheegtay in mashruuca biyo xireenka uu muhiim u yahay horumarka dhaqaalahooda, waxaana taasi kasoo horjeestay oo dhibaato in uu kasoo gaarayo biyo xireenka sheegay dowladaha Masar iyo Sudan oo si weyn ugu tiirsan biyaha wabiga Niil.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -