Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Gaas oo Shuruud ku xiray Baaq uu usoo jeediyay Boqor Buurmadoow

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shuruud ku xiray in lakala qaado ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa Somaliland ee isku hor fadhiya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Boqor Cismaan Maxamuud Boqor Buurmadow oo kamid ah Waxgaradka kasoo jeeda Somaliland ayaa ugu baaqay Madaxweynaha maamulka Puntland Candiweli Gaas in lakala qaado ciidamada labada maamul ee is hor fadhiya lana joojiyo xiisada dagaal.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in uu soo dhaweenayo baaqa nabadeed ee Boqor Buur Madow balse shuruud uga dhigay in Boqorka  marka hore arintaasi kasoo dhaa dhiciyo Madaxweynaha Somaliland.

”Waxaan idin sheegayaa in anigu Madaxweyne ahaan waan qaatay Baaqa Nabadeed ee  Boqor Buurmadow ,waase hadii uu Boqorku baaqan nabadeed uu kaa aqbalo Muuse Biixi” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa dhoor bilood isku hor fadhiya Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana dagaal labada dhinac dhax maray Ciidamada Somaliland kula wareegeen deegaanka Tukaraq oo Puntland fariisin u aheed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan isaga oo cabsan gaari kaxeeyay oo is casilay raaligelina bixiyay

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada Khaatumo oo magac yaab leh u bixiyey Somaliland

Caydiid Ali

Wasiirka Amniga oo kasoo horjeestay Axmed Madoobe lana saftay Mucaaradka Gedo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---