Allbanaadir.com
NEWS

Banaan bax looga soo horjeeday Muxaadarada Sheekh Umal oo lagu qabtay Muqdisho

Waxaa maanta afaafka hore ee garoonka Eng Yariisow Ex-Koonis ka dhacay banaan bax looga soo horjeeday Muxaadarada la qorsheenayo in uu axada qabto Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culumada Soomaaliya kuwooda ugu caansan.

Banaan baxa waxaa dhigayay qaar kamid ah dadka aamisan dariiqada Suufiyada oo isugu jiray rag iyo dumar, waxa ayna dadkan wateen calamada waa weyn ay caanka ku yihiin kooxda Ahlu Sunna Wal Jameeca.

Waxa ay uga soo horjeedeen Suufiyadan banaan baxa ay dhigayeen in Sheekh Umal muxaadaro diini ah ku qabto garoonka Eng Yariisow, waxa ayna dadkan ugu baaqeen dowlada in ay baajiso muxaadarada uu Sheekh Umal ku qabanayo Eng.Yariisow.

Qaar kamid ah dadkii banaan baxa dhigayay ayaa ku eedeeyay Sheekh Umal in uu yahay wadaad xagjir , waxa ayna ka digeen in Sheekh loo ogolaado in Muxaadaro diini ah ku qabto garoonka kubada cagta ee Ex Koonis.

Dowlada Soomaaliya ayaa guddi Wasiiro ah iyo masuuliyiin kale u saartay qaban qaabada muxaadarada la filayo in maalinta axada magaalada Muqdisho ku qabto wadaadka caanka ah Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo dhawaan ka yimid dalka Kenya.

 

Related posts

Wasiirka Amniga oo si adag uga hadlay Banaan baxyada Facebook laga abaabulayo

Cabdi Cade

Weerar toorey loo adeegsaday oo ka dhacay Tel-aviv (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada TPLF oo la wareegay magaalo cusub kuna sii dhawaanaya magaalo kale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---