Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Gaashaandhiga iyo masuuliyiin kale oo tagay Owdheegle (Daawo Sawirada)

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ( Amar-dambe) iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer ku tagay degmada Owdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiil katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa degmada Owdheegle kusoo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ay wehliyeen wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka iyo Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose.

Masuuliyiintan ayaa u kuur galayay xaalada degmada Owdheegle oo bilo kahor ciidanka milatariga kala wareegeen Al Shabaab, waxa ayna masuuliyiintan sheegeen in xarumo caafimaad iyo xarumo kale oo muhiim ah laga hirgalinayo Owdheegle.

Degmada Owdheegle waxaa hada maamula ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Sida gaarka ah u tababaran, waxaana degmadaasi laga dareemayaa isbadal tan iyo markii ay dowlada si buuxda ula wareegtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabar shalay laga afduubtay magaalada Muqdisho oo lagu qabtay Guriceel

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Shaacisay in nolosha ku qabteen Taliyihii ciidamada Badda Galmudug

Cabdi Cade

Saciid Deni oo gaaray gobolka Mudug, xarigana ka jaray Mashaariic cusub (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---