Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Siyaasi ka cabsi qaba in la dilo dad uu kula sheekeestay Fariimaha WhatsApp-ka

Placide Kayumba  oo ah Siyaasi mucaarad oo dhashay dalka Rwanda, kuna nool dalka Biljamka ayaa weerar dhinaca internetka ah loo lagu qaaday looga jabsaday barta uu ku lahaa WhatsApp-ka.

Siyaasigan mucaaradka ku ah Xukuumada Kigali ayaa sheegay in uu ka wal walsan yahay in la bartilmaameedsado lana dilo dad uu kula sheekeestay bartiisa WhatsApp-ka oo kunool gudaha dalka Rwanda .

Waxa uu sheegay Siyaasigan in dowlada caburin iyo caga jugleyn ku heyso dadka aragti ahaan kasoo horjeeda Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Paul Kagame, waxa uuna tilmaamay in dadka lagu beegsado aragtidooda gaarka ah.

Placide Kayumba ayaa sheegay in uu tuhmayo in dowlada ka dambeesay weerarka dhinaca Internetka ah ee lagu soo qaaday, waxa uuna sheegay in in uu u cabsi qabo dadka ku sugan gudaha Rwanda ee lasoo xiriiray in si gaar ah loo beegsado.

”Mararka qaar anigoo dad kula sheekeysanaya WhatsApp iima suurtagali jirin inaan telefoonka jaro marka aan ismacsalaameyno ka dib. Inkastoo aannaan cidna isweydaarsan jirin farriimo iyo sheekooyin dambi ah, haddana waxaan u baqayaa dhammaan dadkii uu xiriirka na dhex maray, waxaana ka cabsanayaa in la dilo”. ayuu yiri Placide Kayumba.

Dowlada Rwanda ayaan ka hadlin warka kasoo baxay siyaasigan mucaaradka dibad joogana ah, waxaana warkan imaanayaa xili dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Paul Kagame lagu eedeenayo in uu caburin ku hayo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Related posts

Diyaarad soo martay Soomaaliya oo la qabtay iyada oo wada lacag badan ,hub iyo Dahab

Cabdi Cade

(Sawirro) Taliyihii ciidanka Somalilland ee gobolka Sool oo gacanta lagu dhigay

Caydiid Ali

Daawo Muuqaal “Dhibaatada ay la kulmaan dadka Soomaaliyeed ee lacagta badan looga qaato Xajka!!

Cabdi Cade