Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in Xildhibaan C/Rashiid Xidig isku soo sharaxay Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Tan iyo markii uu is casilay Gudomiyihii golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari , waxaa baraha bulshada si wen loogu baahinayay Magcayada iyo Sawirada Xildhibaano la sheegay in ay isku soo sharaxeen xilka Gudoomiyaha golaha Shacabka.

Xildhibaanada Sawiradooda iyo magacyadooda baraha bulshada lagu baahiyay waxaa ku jira Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo kasoo jeeda Beesha Daarood horeyna kursigan ugula tartamay Jawaari.

Qoraal uu bartiisa Facebooka soo dhigay Xildhibaan C/Rashiid Xidig ayuu si adag ugu beeniyay in uu isku soo sharaxay xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka , waxa uuna cadeeyay in wax damac ah uusan kursigaasi uga jirin xiligan.

Waxa uu cadeeyay Xildhibaan Xidig in Kuraasta dalku marka ay wada banaan tahay loo wada tartami karo oo cid kasta ay u furan tahay, waxa uuna intaa raaciyay in muhiim tahay mar hadii lagu fadhiyo oo cid loo doortay kursigaasi lagu ixtiraamo.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Xildhibaan Xidig

Asc, Dhamaan Bulshada somaliyeed meel kastoo ay joogaan.

waxaan Arkaa Dad badan oo ku mashquulsan Gudomiyaha bedeli doona jawari iyagoo bulshada usoo bandhigaya sawiro iyo magacyo badan waxaan rabaa inaan dhamaan bulshada u cadeeyo inaana kamid ahayn dadka kursiga uu Jawari baneeyay u tartamaya.

Kuraasta dalku marka ay wada banaan tahay waa loo wada tartami karaa oo cid kasta way u furan tahay lakin mar hadii lagu fadhiyo oo cid loo doortay waa in lagu ixtiraamaa.

Markale waxan ku celinayaa inuusan jirin qorshe iyo Damac iga haya kursiga jawari baneeyay.

Shakhsi kasta oo bedela Gudoomiyihii hore waxan ka sugeynaa isbedel lagu sameyo shaqada Baarlamaanka si loo hiigsado qof iyo cod.

Gudoomiyihii hore jawari waxan u rajeynayaa caafimaad iyo Nasasho kadib 5sano oo uu hogaminayay golaha iyo ugu yaran 50sano oo qaranka uu usoo shaqeynayay. Sharaf iyo ixtiram ayaan kuhaynaa sxb.

Intaas kadib dalkan wuxu so maray marxalado badan waxana shacabka u cadeyneynaa inaan marna dib loo noqoneynin Hor-u-socod inshaalaah

Hon. Abdirashiid Mohamed Hidig

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo ku guuleysatay guddoomiye Ku-xigeenka heyad caalami ah & Warar kale oo xiise badan

admin

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo furmay iyo qodobada looga hadlayo oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Madax ka hadashay Kulanka laga yaabo in uu dhax maro Donald Trump iyo Kim Jong-un

Cabdi Cade
Taboola Ads ---