(Sawirro) Hotelka ugu casrisan Muqdisho oo la dhameystiray iyo Madaxweyne Erdogan oo..

Waxaa la dhamaystiray hotel noqon doona midka ugu casrisan Somalia oo laga furay gudaha Gegada Dayuuradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaasoo dhismihiisa uu socday sanadihii ugu dambeeyey.

Hotelkan oo ay dhismihiisa fulisey sharikad Turki ah ayaa ah nooca loo yaqaano 5 starka kaasoo adeegyo badan oo heer caalami ah bixin doona.

Waxaa uu leeyahay 118 qolal jiif oo casri ah, hoolal lagu qabto shirarka oo ilaa 5 gaaraya iyo adeegyo kale oo aad u fara badan, waxaana loo bixiyey Decale Hotel.

Tensen Centu oo ah madaxa hotelkan ayaa sheegay in hadda uu bilaabay hotelku inuu bixiyo adeegyada uu macaamiisha ugu talo galay, wuxuuna xusay inuu si rasmi ah xariga uga jari doono madaxweynaha Turkiga Reccep Dayyib Erdogan oo uu sheegay inuu dhowaan booqashadiisii 3aad ku iman doono Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -