Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka hadlay waxa ka jira qoraal uu ku fasaxay lacagtii lagu qabtay Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay lacagtii Ciidamada ammaanka ay ku qabteen Garoonka Dayuuradaha Magaalada Muqdisho.

Jen. Gorod ayaa sheegay in imaanshaha lacagtan ka hor ay la soo xiriireen Masuuliyiin ka tirsan Imaaraadka Carabta, uuna u qoray warqad uu Maareeyaha garoonka Aadan cadde kaga codsaday in loo fasaxo lacagtaas oo lagu balansanaa inay ka soo degto Magaalada Boosaaso, kadibna Muqdisho la keeno inkastoo uu sheegay in tirada lacagta aan loo sheegin isaga.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay markii Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen lacagtan in uu si deg deg ah ku tagay Garoonka Diyaaradaha, uuna amray in lacagta ay Dowladda gacanta ku dhigto, si baaris loogu sameeyo, maadaama Safriirka Imaaraadka uu diiday in la baaro Boorsooyinka, taasina uu ka dhashay shakiga.

Taliye Gorod ayaa sheegay in Imaaraadka ay u imaan jirtay lacag bil walba, balse lacagtan ay aad ka badan tahay midii horey ugu imaan jirtay, taasoo ay siin jireen Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Puntland, wuxuuna ugu dambeyn Hay’adaha ammaanka ka dalbaday hadii lacagta la baaro kadib in la fasaxo.

Lacagtan lagu qabtay garoonka Aadan cadde oo gaareysay ku dhowaad 10 milyan oo dollar ayaa dhalisay muran xoogan iyo hadalo kulul oo ay is dhaafsadeen labada dowladood ee Somalia iyo Imaaraadka oo mudooyinkanba xiriirkoodu uu mugdi sii galayey.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) RW Khayre oo saaka gudoomiyey Shir muhiim ah oo lagu qabtay Muqdisho

Caydiid Ali

Golaha Shacabka oo maanta yeeshay kulan arrin taagan looga dooday

Cabdi Cade

Siyaasi Caan ah oo banaanka soo dhigay Olole cusub oo dowlada ku dooneyso mudo kororsi

Cabdi Cade