Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo diiday Bayaan kasoo baxay Jaamacada Carabta

Ururka Jaamacada Carabta ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay duulaan ciidamada Turkiga ku qaadeen dalka Siiriya gaar ahaan xadka ay labada dal wadaagaan, waxaana kulankan looga hadlayay weerarkaasi Turkiga qaaday.

Wasiirada Arimaha dibadda ee Jaamacada Carabta oo kulan ku yeeshay magaalada Qaahira ee dalka Masar ayey kaga doodeen duulaanka Turkiga ku qaaday Siiriya, waxaana kulankaasi lagu cambaareeyay weerarka dowlada Turkiga.

Guddoomiyaha wadamada Jaamacadda Carabta Axmed Abul Geyd oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in weerarka ciidamada Turkiga ku qaadeen gudaha Siiriya uu yahay mid xad gudub ah faro galin qaawana ku ah dalalka Carbeed.

Gabo gabada kulanka Jaamacada Carabta ayaa laga soo saaray Bayaan lagu cambaareenayay duulaanka dowlada Turkiga, waxaana loogu baaqay Turkiga in ciidamadiisa kala baxo Siiriya.

Bayaankaasi kasoo baxay Jaamacada Carabta ee lagu cambaareenayay dowlada Turkiga waxaa diiday in ay qeyb ka noqdaan dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo xiriir dhaw la leh dowlada Turkiga.

Ciidamada Turkiga ayaa gudaha u galay dalka Siiriya gaar ahaan xadka ay labada dal wadagaan, waxa ayna Ciidamada dagaal kula jiraan xoogaga hubeesan ee Kurdiyiinta oo dowlada Turkiga u aragto kuwa halis ku ah amaanka dalkeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir ka furmaya Sacuudiga oo la qaadacay & sumcada Max’ed bin Salman oo dhulka gashay

Caydiid Ali

Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay C/samad Axmed Cusman

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo 8 mashruuc ka dhagax-dhigay Jalalaqsi (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---