Xildhibaano katirsan golaha Shacabka oo diyaarinaya Mooshin cusub

Xildhibaano katirsan golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ku howlan diyaarinta mooshin ka dhan ah ciidamada Kenya ee jooga qeybo kamid ah gudaha Soomaaliya, xili uu sii xumaanayo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Mooshinkan ayaa la filayaa in loo gudbiyo Gudoonka Golaha Shacabka kadibna Xildhibaanada la horgeeyo, waxaana Xildhibaanada wada mooshinkan ku eedeeyeen ciidamada Kenya in xad gudub ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa ku eedeeyay dowlada Kenya in weerar ku tahay Qaranimada Soomaaliya, waxa uuna cadeeyay in Baarlamaanka horgeenayaan mooshin ka dhan ah ciidanka Kenya ee jooga dalka.

Waxa uu ku booriyay Xildhibaan Zakariye Xukuumada Soomaaliya in ay si adag uga hadasho daan daansiga aan qarsooneyn iyo xad gudubka Kenya wado, waxa uuna sheegay in aan indhaha laga qarsan karin daan daansiga Kenya.

Dowlada Kenya ayaa shalay ku xad gudubtay amar kasoo baxay dowlada Soomaaliya oo lagu joojiyay in diyaaradaha Kenya kasoo baxa aysan si toos ah u tagi karin Kismaayo, mana jiro wali jawaab ay dowlada ka bixisay xadgudubkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -