Madaxweyne Lafta Gareen oo sheegay in Abuu Mansuur uusan Xirneyn uuna degan yahay guri !

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo dhawaan u dabaal degay sanad guuradii koobaad ee kasoo wareegtay markii la doortay ayaa ka hadlay xarigii loo geestay Abuu Mansuur iyo rabshadihii xarigiisa ka dhashay.

Lafta Gareen oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa sheegay in uu u istaagay xalinta dhibaatooyinkii ka dhashay xiligii ay doorashada iyo ololaheeda ka socdeen magaalada Baydhabo.

Waxa uu sheegay Lafta gareen xiligii la xirayay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur sidoo kale magaalada Baydhabo ay ka dhacayeen rabhadaha dadka lagu dilay isagu uusan aheyn mauul bale ahaa musharax Madaxweyne kaliya.

”Aniga markii ay Baydhabo ka dhacayeen rabashadaas musharax ayaa ahaa, magaalada degenaa, mas’uuliyad ma heyn, laakin markii la i doortay kadib waxaan u istaagay xalinta waxii dhacay ee iga horeeyay, waxaa aaminsanahay in aan 80% aan xaliyay, dadkii dhintay ee afarta qof ahaa diyo ayaa la siiyay, alle waa nagu guuleeyay, laakiin waxaa jira dad si xun wax u sheeg ah” ayuu yiri Lafta Gareen.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Sheekh Mukhtaar Abuu Mansuur uu ku booqday goobta lagu hayo, waxa uuna tilmaamay in Abuu Mnauur uusan aheyn maxbuus balse uu degan yahay guri caadi ah xaaladiisana ay wanaagsan tahay.

” Abuu Mansuur halka lagu hayo ayaan kuoo salaamay , aad ayuu u fiican yahay , maxbuus maahan  guri ayuu degan yahay, waxaa u dhiman kaliya xuquuqdiisa kale sida dhaq dhaqaaqiisa taasna waa ka shaqeyneynaa sidii uu u heli lahaa.” ayuu yiri Lafta Gareen

Lafta Gareen ayaa sidoo kale sheegay in kiiska dowlada Federaalka iyo Abuu Mansuur isagu ka horeeyeen, waxa uuna tilmaamay xiligii uu Baydhabo imaanayay uuna ku jiray Ololaha uu Abuu Mansuur degnaa Nabad sugida dhaxdeeda.

Hadalka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadaya xili sanad kasoo wareegtay xarigii dowlada u geesatay Abuu Manuur sidoo kale magaalada Baydhabo ka dhaceen rabshado dad badan oo shacab ah lagu dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -