Xildhibaanada Golaha shacabka oo kulankoodii ugu horeeyey ku yeelanaya xarun cusub

Xildhibaanada Golaha Shacabka Somalia ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyey ee ka tirsan kalfadhiga 6aad ku yeelanaya magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa xalay lagu wargeliyay in maanta oo sabti ah uu jiro kulanka Baarlamanka, iyadoo lagu qabanayo xarun KMG ah oo dhowaan dowlada Turkigu uga dhistay xarunta Villa Hargeysa, maadaama dib u dhis lagu sameynayo xarunta golaha shacabka kaasoo ay wado dowlada Turkiga.

Fadhiga maanta ayaa la sheegay inuu ajendihiisu yahay yahay dhegeysiga akhrinta 1aad ee Heshiiska Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka aan muuqan iyo heshiiska khuseeya Ilaalinta Hidda Dhaqameedka dabiiciga ah.

Ajendahan oo ah mid yaab leh ayaa waxaa ka hor yimid qaar ka mid ah xildhibaanada oo sheegay inaan xiligan loo fadhin Hiddo Dhaqameed iyo wax la mid ah, dalkuna uu ku jiro xaalad adag.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan furay Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay horyaalaan howlo badan oo ay ka mid yihiin meelmarinta sharciyo muhiim ah oo muddo dheer hor yaala Baarlamaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -