Daawo Sawirada: Khasaaraha ka dhashay qaraxii Muqdisho lagula beegsaday Ciidamo Talyaani ah

Waxaa maanta qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay agagaarka Isgooska Kulliyada Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, qaraxan ayaana lala eegtay kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamo Talyaani ah.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay ruux watay gaari nuuciisu ahaa NOAH oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu ku dhacay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada Talyaaniga oo marayay meel ku dhaw Wasaarada Gaashaandhiga.

Gaariga ay wateen ciidamada Talyaaniga ayaa waxaa soo gaaray bur bur xoogan, lamana oga ilaa hada khasaaraha ciidamada Talyaaniga kasoo gaaray qaraxan ismiidaaminta ah ee maanta lagula eegtay Muqdisho.

Labo qof oo shacab ah ayaa la sheegay in qaraxa ku dhinteen sidoo kale dhawr qof oo kale ku dhaawacmeen, waxaama bur bur xoogan uu soo gaaray goobo ganacsi iyo guryo ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxan maanta lala eegtay ciidamada Talyaaniga ayaa kusoo aadaya xili sanadkii hore xiligan xili ku dhaw qaraxan oo kale oo isna ismiidaamin ahaa isla goobtaasi lagula beegsaday Kololonyo gaadiid ah ay wateen ciidamada Talyaaniga ee jooga Muqdisho.

- Advertisement -