Magaca iyo qabiilka ninkii dhowaan isku qarxiyey saldhiga Ceel-saliini oo la shaaciyey

Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Xarakada Al-Shabaab ayaa baahisay Wareysi laga duubay dagaalyahankii isqarxinta ah ku daah furay weerarkii dhowaan lagu qaaday saldhigga ciidamada dowladda ee degaanka Ceel-saliini oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Abshir Yuusuf Cali (Salaaxudiin) oo ka soo jeeda beesha Shanta Caleemood kuna dhashay degmada Wanlaweyn ayaa ahaa dagaalyahankii fuliyay qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu daah-furay dagaalkii xooganaa ee Ceel-saliini wuxuuna weerarkaas sababay khasaare farabadan.

Al-Shabaab ayaa 22kii bishan weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ku soo qaaday Saldhiga Ciidamada dowladdu ku leeyihiin degaanka Ceel-Saliini, iyagoo gebi ahaan la wareegay saldhigaas.

War kooxdu ay soo saartay ayey kju sheegtay in ugu yaraan 40 askari ay ku dileen weerarkaas, iyagoo soo bandhigay saanad milateri iyon gaadiid ay ka qaateen xeradaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -