Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiye Degmo oo dhaawac u geestay xubin katirsan maamulkiisa

Gudoomiyaha cusub ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhaxe Xasan Xaaji Axmed Darafey ayaa dhaawac u geestay xubin katirsan golaha deegaanka degmada Warsheekh.

Sida aan wararka ku helnay Gudoomiyaha degmada Warsheekh ayaa xili la barayay sida loo rido biskoolada iyo shiikhka ayaa si aan ku tala gal aheyn waxa ay xabad uga fakatay nin la joogay oo katirsan golaha deegaanka Warsheekh.

Gudoomiyaha Degmada Warsheekh Xasan Xaaji Axmed Darafey ayaa sheegay in xabada si kam ah ugu dhacday xildhibaanka golaha deegaanka, waxa uuna xusay in hada xaalada caafimaad uu xildhibaanka uu yahay mid wanaagsan.

Dhacdadan ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo degmada Warsheekh, waxaa sidoo kale dhacdadan lagu faafiyay baraha bulshada iyadoona dadku aragtiyo kala duwan ka dhiibteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Ku-simaha Raisul Wasaaraha oo furay shir lagu qiimaynayo Mashruuca SAGAL

Caydiid Ali

Dalalka Itoobiya, Masar iyo Sudan oo heshiis horu dhac ah gaaray iyo Masar oo shaacisay …

Cabdi Cade

Puntland oo shaacisay Sababtii uu u geeriyooday Laahoor oo kasoo goostay Daacish

Cabdi Cade
Taboola Ads ---