Golaha amaanka ee QM oo diiday dalab ka yimid Kenya iyo dowlada Somalia oo u riyaaqday

Golaha amaanka ee QM ayaa ku gacan seyray dalab ka yimid dowlada Kenya oo ahaa in Al-Shabaab lagu daro liiska argagaxisada caalamiga ah ee dhigaya qaraarka tirsigiisu yahay 1267.

Kenya ayaa la sheegay iney ololeynaysay arintan iyadoo kaa leh ujeedooyin gaar ah, balse waxaa si weyn uga soo horjeestay dowladda Somalia oo sheegtay in Al-Shabaab lala dagaalami karo iyadoo aan lagu darin liiska argagaxisada ah caalamiga ah.

Danjiraha dowlada Somalia u fadhiya Golaha amaanka ee QM ayaa sheegay in golaha amaanku diiday fulinta dalabka Kenya ee ahaa in Al-shabaab lagu daro liiska argagaxisada.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aanka Golaha ammaanka QM ku diiday dalabka Kenya, iyadoo qoraal uu soo saaray madaxda warfaafinta Villa Somalia uu u qornaa sidatan:-

Shabaab waa urur argagisixo ah oo taasi muran kama taagna. Waxaa jiray qaraaro ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kasoo saareen sida kan tirsigiisu yahay #751 kaasoo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab iyo dhaqaalaha ay ka sameeyaan dhuxusha. Kan kaliya haddii la fuliyo waxa uu ku filan yahay in la ciribtiro Shabaab iyo Shabaab kalkaal.

Waxaanu soo dhaweynaynaa diidmada Golaha Ammaanka ee qaraarka tirsigiisu yahay 1267. Qaraarka haatan la diiday oo ay dawlado kale dano gaar ah ku wateen, ujeedkiisu ahaa in lagu curyaamiyo dhaqaalaha Soomaaliya uu caalamku ku taageero ee lagu bixiyo dhinacyada horumarinta, ammaanka iyo gargaarka wuxuu mudan yahay bogaadin.

Waan diidnay diblomaasiyadda ku dhisan magafenimada iyo in Isbaaro caalami ah oo loo dhigto horusocodnimada dowlad dhisidda Soomaaliya, fagaare walba oo caalami ah oo aan qeyb ka nahayna waan u bandhigaynaa.

Waxaa ammaan iyo bogaadin mudan Danjiraha dalkeenna u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) iyo kooxda la shaqeysa dadaalka ay ku bixiyeen hawshan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -