Askar ka tirsan Ciidanka dowlada oo qarax lagu dilay & faahfaahino ka soo baxaya

Qarax la sheegay in loo adeegsaday Miinada wadada lagu aaso ayaa maanta ka dhacay inta u dhaxeysa degaanada Km-60 iyo Bariire ee gobolka Sh/hoose kaasoo geystay khasaare nafeed.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in qaraxan lala helay gaari dagaal oo ay wateen ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo xiligaas wadada marayey, iyadoo qaraxa ka dibna la maqlay rasaas ay fureen ciidamada.

Ugu yaraan afar Askari ayaa ku dhintay qaraxaas, sidoo kalana waxay dhaawacyo soo gaareen askar kale ee la socotay gaariga uu qaraxu haleelay sida ay sheegayaan warar laga helayo degaanadaas.

Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qaraxaas, waxayna tilmaameen inay ku dileen shan askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda, mana jiro war ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga oo ku saabsan weerarkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -