Madaxweyne Waare iyo Danjire James Swan oo kulan ku yeeshay Jowhar (Sawirro)

Wafdi uu horkacayo Wakiilka  Qaramada Midoobay ee Soomaaliya danjire James Swan ayaa maanta gaaray Magalada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe.

James Swan iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Jowhar ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ku-xigeenkiisa Cali Guudlaawe iyo Masuuliyiin kale ee ka tirsan Maamulka Gobalka Shabeellaha dhexe.

Wafdiga ayaa Xarunta Madaxtooyada maamulka Hirshabelle kulan gaar ah kula qaatay Madaxda Maamulka Hirshabelle.

Masuuliyiinta ayaa waxay ka wadahadleen Xoojinta wada shaqeynta Howlgalka Qaramada Midoobay iyo Maamulka Hirshabelle, waxaana sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan maamulka Hir-Shabeelle Mr Benjiamin iyo xubno kale.

Waa booqashadii sadexaad ee Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James swan ku tago degaanada ay ka arimiyaan Maamul Gobaleedyada, isagoo horey u booqday  degaanada Puntland,  Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -