Qeybtii ugu horeysay gantaalaha S-400 ee Maraykanku ka qeyliyey oo Turkiga gaartay (Sawirro)

Wasaaradda Difaaca dalka Turkiga ayaa xaqiijisay in maanta uu Jimce ah dalkaas la soo gaarsiiyey qeybtii ugu horeysay Gantaalaha Ruushku sameeyo ee difaaca Cirka S-400.

Labo Dayaaradood oo nooca xamuulka ah oo milateriga Ruushka leeyahay ayaa qeybihii ugu horeeyay ee Gantaalaha S-400 ka dejiyay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, iyadoo duulimaadyo kale ay isla maanta qaadi doonaan qeybo kale oo Gantaalahaasi ka mid ah

Wakaalada wararka ee Ruushka Interfax ayaa iyaduna sheegtay in garoonka ciidimada cirka ee Murted oo ku yaalla duleedka magaalada Ankara laga dejiyey qalabka gantaalaha S-400, iyadoo la filayo in maalmahan ay socoto daadgureynta gantaalahaasi oo Turkiga uu ka iisbsaday Ruushka.

Mareykanka ayaa ka hor yimid Gantaalaha S-400 ee Turkigu ka iibsaday Ruushka, wuxuuna ku hanjabay inuu cunaqabateyn ku soo rogi doono Turkiga, isagoo joojiyey iibka diyaaradaha dagaalka F-35 oo Turkiga uu ka iibin lahaa.

S-400 ayaa ah gantaallo casri ah oo quwad weyn, reer galbeedkuna ay si weyn uga baqaan, waana markii ugu horeysay ee dal ka mida Gaashaanbuurta NATO uu iibsado nidaam difaac oo Ruushku leeyahay.

War kasoo baxay Gaashaanbuurta NATO ayaa welwel ka muujiyey in Turkiga uu helo gantaalaha Ruushku sameeyo ee S-400 oo ay sheegeen inuusan la shaqeyn karin nidaamkooda difaaca.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -