Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Wasiir katirsan Xukuumada Somalia oo la kulmay Waxgaradka Cadaado ee tabashada …

Wasiiru dowlaha howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumada Somaliya Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta kulan la qaatay waxgaradka magaalada Cadaado ee shalay diiday in ay la kulmaan Ra’isul Wasaare Kheyre.

Kulanka ayaa ahaa mid looga arinsanayay sidii xal looga gaari lahaa tabashada Waxgaradka Cadaado ay ka qabaan Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ay ku eedeeyeen in uu uga baxay balamo uu la galay.

Qaar kamid ah waxgaradka kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay ka xun yihiin balan xumada Xukuumada Soomaaliya, waxa ayna xuseen in Ra’isul Wasaaraha markii ay la kulmeen balamo uu ka qaaday uu ka baxay sidaasna caradooda dhalisay.

Wasiir dowlaha howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumada Somaliya Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo waxgaradka la hadlay ayaa sheegay in ay xaq u leeyihiin in tabashadooda soo gudbiyaan xalna laga gaarayo.

Waxa uu ka codsaday Wasiir Qoor Qoor waxgaradka uu la kulmay in xaalada dejiyaan lana kulmaan mar kale Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxa uuna cadeeyay in Ra’isul Wasaaruhu dadaal badan wado kana shaqeenayo helista Galmudug mideysan.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa la filayaa in markii sadexaad kusoo laabto magaalada Cadaado si uu ula kulmo una qanciyo waxgaradka Cadaado oo ka horyimid in doorashada Galmudug ka dhacdo magaalada Dhuuso Mareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Max’uud Sayid Adan & Saraakiisha Ceelwaaq

Caydiid Ali

Ciidamada amniga oo fashiliyey gaari qaraxyo laga soo buuxiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Cutubyo katirsan Ciidamada Gor Gor oo saakay Muqdisho laga sagootiyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade