Qasriga Madaxtooyada Puntland oo lagu soo dhaweeyay Ms Elin Bergithe (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Safiirka dalka Norwey ee Soomaaliya Ms Elin Bergithe Rognlie iyo wafdi la socday.

Madaxweynaha Puntland iyo weftiga Safiiradda ayaa qaatay kulan balaadhan oo looga hadlayo sidii loo sii horumarin lahaa mashaariicda Norwey ay ka fuliso gudaha Puntland, kulanka Kadib Madaxweynaha iyo Safiiradda ayaa si wada-jira u faahfaahiyey dulucda kulankooda.

“Waxaan Dowladda Noorwey uga mahadcelinaynaa mashaariicda faraha badan ee ay ka fuliso guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan kuwa horumarineed ee Puntland ka socda qeybahooda kala duwan, mashaariic faraha badan oo dhinaca waxbarashada iyo caafimaadka ah oo hana qaaday, waxaan sidoo kale rajaynayaa in mustaqbalka iyo mashaariicda soo socotana gacan weyn ka gaystaan kuwa guud ee ay kala qeyb qaataan hay’addaha UN-ka, EU-da iyo hay’addaha kale, sidoo kale waxaan rajaynayaa in ay mashaariic badan dowladda iyo kobcinteeda maamulka iyo hormarinta guud qeyb ka qaadan doonaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa dowladda Norwey uga mahadnaqay wadashaqaynta wanaagsan ay leeyihiin Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka, waxaana uu sheegay inuu rajaynayo in wadashaqayntaasi intaa kasii wanaagsanaanto.

“Waxaan rajaynayaa in xiriirka Norway la leedahay Soomaaliya uu noqon doono mid wanaagsan oo sii waara, waan uga mahadcelinaynaa garab istaaggoodii muddada dheer, guud ahaan Soomaaliya ay garab taagnaayeen, waxaana rajaynaynaa in wada-shaqaynteenu noqon doonto mid wanaagsan oo labada dhinacba isfahan iyo horumarka guud ka dhasho”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Safiiradda dalka Norwey ee Soomaaliya Ms. Elin Bergithe Rognlie ayaa dhankeeda ka mahadnaqday qaabilaadda wanaagsan ee uu Madaxweynaha Puntland ku qaabilay qasriga Madaxtooyada Garoowe, waxaana ay dhankeeda caadaysay in Norwey iyo Soomaaliya leeyihiin wadashaqayn wanaagsan oo amin walba sii amba qaadaysa, dhanka kale Safiiradda waxay ay xustay inay sii wadidoonaan wada-shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa dalkeeda iyo Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -