Allbanaadir.com
NEWS

Shiinaha oo Dhool tus Milatari ka bilaabay Taiwan iyo Xiisad ka dhalatay

Waxaa mar kale dib usoo cusboonaaday xiisadii u dhaxeysa dowladda Shiinaha iyo maamulka Taiwan , kaddib markii madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ay kulan la yeelatay afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Kevin McCarthy.

Dowladda Shiinaha oo ka carrooday kulankan ka dhacay magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka ayaa maanta oo Sabti ah dhoolatus milatari oo soconaya muddo saddex maalin ah ka bilaabay hareeraha dhulka Taiwan.

War kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga ee Taiwan ayaa lagu sheegay inay la socdaan dhaq dhaqaaqa Shiinaha wadaan , waxa ayna sheegeen in ay feejignaan dheeri ah ku jiraan ayna bixin doonaan jawaabta ku habboon daan-daansiga Shiinaha.

Dowladda Shiinaha ayaa aaminsan in Taiwan dhulkeeda kamid tahay, halka maamulka Taiwan dhankooda aaminsan yihiin in ay yihiin dowlad ka madax bannaan Shiinaha oo xaq u leh maamulkeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo ceyrisay lix qareen oo caalami ah oo ku matalayay dacwada kiiska Badda

Cabdi Cade

(Sawirro) Taliyaha ciidanka Lugta & Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada oo gaaray Baardheere

Caydiid Ali

Jadwalka doorashada kuraastii ugu dambeysay ee Kismaayo oo la shaaciyey (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---