Raisul Wasaare Khayre oo la kulmay wafdigii ay horkaceysay Mrs. Ine Eriksen Søreide

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide oo maanta booqasho ku timid dalka.

Kulanka ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood.

Khayre ayaa warbixin ka siiyey wasiirada xaalada guud ee dalka iyo dedaalka ay xukuumadiisu ugu jirto xoojinta heyadaha dowlada.

Ine Marie Eriksen Søreide oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celisay soo dhawaynta loo sameeyay, ayaa ammaantay horumarka muuqda ee Soomaaliya ay ku tillaabsatay, isbedellada iyo dib-u-habeynta ballaaran ee ay dawladda Soomaaliya ka waddo hay’adaha dowladda si dalku u gaaro dib-u-kabasho dhamays-tiran.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo qaar kamid ah golaha wasiirrada ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabduule kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Norway, Ine Marie Eriksen Søreide, oo maanta booqasho ku timid dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -