Iceland oo si xushmad daro ah ula dhaqantay Xulka Qaranka Turkiga

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Turkiga ayaa si xushmad daro ah lagula dhaqmay xili ay ka dageen garoonka diyaaradaha magaalada Reykjavik ee dalka Iceland.

Xulka Qaranka Turkiga ayaa habeenkii axad dhowr saacadood lagu hayay qeybta hubinta baasaboorada ee garoonka diyaaradaha Reykjavik, waxaana ciyaartoyda la marsiiyay baaritaano dheeraad ah.

Afhayeenka madaxweynaha dalka Turkiga, Ibrahim Kalin ayaa ku eedeeyay dowlada Iceland in si xushmad daro ah ula dhaqmeen ciyaartoyda Turkiga , waxa uuna xusay in aan la aqbali karin hab dhaqanka Iceland.

“Dowladdeena iyo shacabkeena waxay garab taagan yihiin xulka qaranka, waxayna jawaabta ugu wanaagsan ku bixin doonaan garoonka kubadda cagta” ayuu yiri Ibrahim Kalin.

Dowada Turkiga ayaa ku tilmaantay habdhaqanka dowlada Iceland mid hareer marsan diblomaasiyadda iyo habka ciyaar wanaaggaba, waxa ayna dowlada Turkiga warqad diblomaasiyeed oo cabasho ah u dirtay Iceland, ayada oo marsiisay safaaradda Norway.

Xulalka Qaranka Turkiga iyo Iceland ayaa ku wada jira qeybta H ee is-reebka loogu soo baxayo koobka Qaramada Yurub ee 2020, waxaana guruubkan hogaanka u haya Turkiga oo leh 9-dhibcood kadib guushii ay ka gaareen xilka Faransiiska..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -