Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo qiratay in askar looga dilay Gaza, Taangi iyo gaadiid kalena laga gubay

Xamaas iyo Israel ayaa xaqiijiyay in ciidamadooda dhulka ay isku dhaceen magaalada Qaza Axadii shalay.

Dagaalyahannada Xamaas ayaa la dagaallamay ciidammada Israa’iil ee gudaha u galay marinka Qaza Axaddii, sida uu sheegay garabka hubaysan ee kooxda Falastiiniyiinta ee Al-Qassam Brigades.

Kooxda ayaa sheegtay in duulaanka uu ka dhacay bariga Khan Younis ee koonfurta gobolka Gaza.

“Dagaalyahanadu waxay la dagaalameen xoogagii soo dhex galay, waxayna burburiyeen laba cagaf-cagaf iyo Taangi waxayna ku qasbeen ciidamada inay dib u gurtaan” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale xaqiijiyay in hal askari looga dilay 3 kalana ay ku dhaawacmeen weerar ay ku qaadeen Qaza Axadii shalay, iyagoo qirtay in laga gubay taangi iyo gaadiid kale.

Related posts

RW Rooble oo War ka soo saaray arrimaha doorashada iyo amniga lagu wareejiyey

Caydiid Ali

kooxda Allbanaadir Online oo soo caga dhigatay Final Ka Koobka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Kampala (Daawo Sawirro)

admin

Boqolaal Xujay Soomaali ah oo aan gudan acmaashii Xajka iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---