Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Faransiiska oo dilay Nin toogasho ka geestay dalkaasi (Daawo Sawirada)

Ciidamada booliiska dalka Faransiiska ayaa dilay nin hubeesan oo afduub iyo dil geestay, ninkan ayaana la sheegay in uu katirsanaa kooxda isku magacowday Khilaafada Islaamka ee Daacish.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Redouane Lakdim,  ayaa gaari afduubtay waxa uuna dad ku qabsaday Super Market kuyaala magaalada  Trèbes, ninkan ayaana la sheegay in sadex qof toogasho ku dilay tiro kalana ku dhaawacay.

Warbaahinta dalka Faransiioska ayaa sheegay in ninkan oo dad afduubtay lahor inta aan la dilin uu dalbanayay in lasii daayo Salah Abdeslam oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay weerar dad ka badan 100-qof lagu dilay oo dalka Faransa ka dhacay sanadkii 2015-kii.

Dacwad-ooge Faransiis ah ayaa sheegay in ninkan la dilay uu sheegtay inuu ka tirsan yahay Kooxda isku magacawday Dowladda Islaamka, ninkan ayaana la sheegay in uu si weyn u hubeesnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumadda oo ansixisay Qaraar ku saabsan Khataraha Amniga Qaranka oo ka kooban 8 qodob

Cabdi Cade

Somaliland oo baaq ka dhan ah DFS u dirtay Beesha Caalamka

Cabdi Cade

Sidee loo fuliyey qaraxii ka dhacay xarunta dowlada hoose ee Muqdisho?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---