Meydadka dad ay Dileen Diyaaradaha Mareykanka oo la aasay (Daawo Sawirada)

Diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka ayaa duqeyn ee dhawaan ka geesteen Deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ku dileen dad shacab ah oo ku dhaqnaa Deegaanka la Duqeeyay.

Inta la xaqiijiyay Duqeyntan Diyaaradaha Mareykanka fuliyeen waxaa ku dhintay 5-qof ay ku jiraan haween iyo caruur , waxaa sidoo kale duqeyntaasi ku dhaawacmay dad kale oo shacab ah oon waxbo galabsan.

Duqeyntan dadka shacabka ah lagu dilay ayaa ka dhacday Deegaan lagu magacaabo Farsooley oo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana dadkii duqeynta ku dhintay lagu aasay isla deegaankaasi.

Halkan ka Akhriso Magacyada dadka ku dhintay Duqeyntan.

1.Macalin Cabdow Fiilow Muudeey 45 sana jir ah

2.Aamino Macalin Cabdow Fiilow 17 sana jir ah

3.Cusmaan xuseen cabdi (osman jiis )43 sana jir ah

4.Yuuqaney Cusmaan xuseen oo 5 sana jir ah

5.Maxamed cabdi caliyow garboole 38 sana jir ah

Diyaaradaha dagaalka Dowlada Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ka fulinayaan Soomaaliya, waxaana duqeymihii ugu dambeeyay ee fuliyeen ku dhintay dad shacab ah oo isugu jiray Beeraley iyo xoolo dhaqato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -