Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Puntland oo xalay Joojisay kulan Madaxweyne Farmaajo kaga qeyb gali lahaa Garawe

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee xarunta maamulka Puntlanad ayaa sheegaya in xalay la joojiyay kulan la qorsheeyay in Madaxweyne Farmaajo kala qeyb galo bulshada Rayidka ee Puntlanad.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo kaga qeyb gali lahaa magaalada Garawe ayaa loogu magac daray ”Kulan Dadweyne iyo Madaxweyne Farmaajo” waxaana kulanka Madaxweynaha lagu weydin lahaa su’aalo la xariira Hanaanka doorasho ee dalka iyo doorka bulshada rayidka.

Maamulka Puntlanad amar kasoo baxay ayaa la sheegay in kulankan oo lagu qaban lahaa Hotelka kuyaala Garawe lagu joojiyay, waxaana mar qura arintaasi fajiciso ku noqotay dad badan oo isku diyaariyay ka qeyb galka kulankaasi.

Sida aan Wararka ku heleyno Puntlanad ayaa ka biyo diiday in kulan dhax maro Madaxda dowlada iyo Pulshada rayidka ilaa lagu heshiinayo shirka Garawe ka socda, waxa ayna Puntland kasoo horjeedaa in hadalo xiisad abuuri kara kasoo baxaan kulamada dadweyne

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin sababta xalay loo joojiyay kulankii qorshuhu ahaa in Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galo, sidoo kale maamulka Puntlanad ayaa dhankooda arintan ka hadlin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuul katirsan dowlada Federaalka oo Kismaayo u tagay Caleemo Saarka Axmed Madoobe

Cabdi Cade

Wasiir Arrimo Dibadeed caan ah oo geeriyooday xilli uu shir ka qeyb geli rabay

Cabdi Cade

Madasha Xisbiyada Qaran oo ka digtay Xeer maanta ka doodayaan Golaha Wasiirada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---