Mahad Salaad: “Farmaajo wuxuu rabaa inuu been & boor isku qaris ku indho sarcaadiyo shacabka”

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka hadlayay shirweynaha Culimada oo maanta ka furmay Muqdisho ayaa sheegay inay jirto mucaaradnimo dumin ah oo la doonayo in dowladda dhan la bedelo, lana bilaabo qalalaase siyaasadeed, faragelin shisheeye iyo beesha Caalamka oo lagu dacweeyo dowladda.

Inkastoo aanu Madaxweynuhu cidna soo hadal qaadin, waxaa hadalkiisa laga dareemayay inay ku socotay dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee Maamul Goboleedyada ka wadaan magaalada Nairobi.

Hadalka Madaxweynaha ayaa waxaa si kulul uga jawaabay Xildhibaan Mahad Salaad moo ka tirsan baarlamanka Somalia oo qoraalkan hoose soo dhigay bartiisa facebook.

Beenta iyo boor isku qariska Madaxweyne Farmaajo ee QARANKA AYAA LA DUMINAYAA!

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta sheegay in kulanka beesha caalamka ay Nairobi kula yeelanayaan Madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Galmudug uu yahay QARAN DUMISNIMO. Haddaba, Qaranka Madaxweyne Farmaajo ka sheekeynayo tolow waa kee ma midka Maraykankaa mise waa midka Soomaaliya?!

Madaxweyne Farmaajo markii la doortay bishii Febraayo 2017 wuxuu diiday in uu ka tanaasulo dhalashada Maraykanka ee uu haysto, taasoo ay ka dhalanayso xuquuq iyo waajibaad badan oo dastuurka Maraykanka farayo qof kasta oo dhalasahada Maraykanka heysta ee dal kale madax ka noqda. Wuxuuna doortay in uu noqdo muwaadin Maraykan ah oo ka shaqeeya masaalixda Maraykanka, intii uu noqon lahaa Madaxweyne xalaal ah oo mudnaanta koobaad siiya dalkiisa iyo dadkiisa.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo wuxuu rabaa in uu been iyo boor isku qaris ku indho sarcaadiyo dadka Soomaaliyeed si uu uga dhuunto eedeynta la xariirta lacago la lunsaday oo beesha caalamka ugu talo gashay in lagu maalgeliyo adeegyada aasaasiga iyo mashaariicda horumarineed ee dowlad goboleedyada. Lacagahaas oo Madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis labadii sano ee lasoo dhaafay ku qarash gareeyeen duminta iyo kala qaybinta dowlad goboleedyada. Shirka Nairobi na waxaa looga arinsanayaa sidii beesha caalamka iyo madaxda dowlad gobleedyada isaga waraysan lahaayeen meesha lacagtaasi aaday iyo cida lunsatay!

Sidaas daraadeed, waa nasiib daro aad u weyn runtii in maanta Madaxweynaheena la soo istaago wadamo shisheeye ayaa lala shirayaa iyo wadaninimo been ah oo faruuryaha Madaxweyne Farmaajo aan soo dhaafin labadii sano ee uu Madaxweynaha ahaa!

Mahadsanidiin. 
Hon. Mahad Salad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -