Dabley weerartay saldhig ay leeyihiin Booliska Sacuudiga oo la laayey (Sawirro)

Waxaa la dilay afar nin oo weerar ku qaadday saldhig ay ciidamada amaanka boqortooyada sacuudigu ku leeyihiin Magaalo ku taalla dhinaca waqooyi ee caasimadda Riyadh sida ay ku warantay Warbaahinta Sacuudiga.

Wargeyska maalinlaha ah ee ku hadla afka Carabiga ee kasoo baxa magaalada London, Asharq al-Awsat, ayaa ku warramay in bartilmaameedka weerarka uu ahaa saldhig ay ciidamada amaanka ku leeyihiin degmada Zulfi oo 260 kilometres dhinaca waqooyi uga beegan magaalada Riyad.

Kooxda weerarka soo qaadday ayaa isku dayay in baabuur ay wateen ku jiiraan xeyndaab ay ciidamada ku wareejiyeen albaabka laga soo galo, kaddibna billaabay in ay furaan rasaas.

War laga soo xigtay booliska ayaa lagu sheegay in laba nin oo kasoo dagtay baabuurka ay ku dhinteen rasaas ay is weydaarteen booliska, mid kale ayaa isku dayay inuu carraro balse waxaa toogtay ciidamada, halka kan afraad la dilay xilli uu isku dayay inuu is-qarxiyo.

Telefishanka Al-Arabia, oo ah TV laga leeyahay Sacuudiga ayaa isna xaqiijiyay dhimashada afarta qof ee weerartay saldhiga ku yaalla dalka Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -