Iska horimaad ka dhacay Muqdisho iyo gaari ciidan oo la gubay

Gaari dagaal oo leeyihiin Ciidanka Xoogga dalka ayaa lagu gubay Iska horimaad dhexmaray Ciidamo Miletari ah iyo kuwa Booliska Soomaaliyeed.

Iska horimaadka ayaa ka dhacay Isgoyska Maanabooliyo ee Magaalada Muqdisho ka dib markii ciidamo ka tirsan Booliska  oo ku sugnaa Kontrol halkaas ku yaalla ay diideen iney halkaas ka gudbaan ciidamo milateri ah oo ka yimid Sh/dhexe.

Booliska ku sugnaa Kontrolka ayaa sheegay ineysan amar u qabin iney fasaxaan ciidamada milateriga ee doonayey iney ka gudbaan kontrolka, waxaana arintaas ka dhashay ismaan dhaaf sababay in halkaas lagu dagaalamo.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyey in gaari ay wateen Ciidanka Miletariga la gubay ka dib dagaal dhexmaray labada dhinac.

Lama oga illaa hadda khasaaraha nafeed ee kala gaaray ciidamada dagaalamay hase ahaatee ciidankii milateriga ee isku dayey iney xoog ku jiiraan Kontrolka Booliska ayaa dib u laabtay, markii laga gubay gaariga, waxaana hadda degan xaalada, mana jiro war ka soo baxay talisyada labada ciidan oo la xiriira dhacdadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -