Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii Kismaayo iyo rasaas wali socota

Weerar ku bilowday Ismiidaamin ayaa lagu qaaday Hotelka Cas Caseey ee kuyaala magaalada Kismaayo, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro badan isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dabley hubeesan ayaa lagu soo waramayaa in weli ka dhax degaalamayaan dhismaha Hotelka la weeraray, waxaana Hotelka gaaray ciidamada maamulka Jubbaland oo isku dayay in ay weerarka soo afjaraan.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in dadka ku dhintay weerarka lagu qaaday Hotelka Cas Caseey ee magaalada Kismaayo ay ku jiraan dad masuuliyiin ah, waxaana warar soo baxay sheegayaan in Senator uu ku dhintay inkastoo aan wali la xaqiijin.

Hotelka weerarka lagu qaaday ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa in ay ku dhinteen dad badan oo masuuliyiin ay ku jiraan , waxaana Hotelka la sheegay in ay degnaayeen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Musaharaxiin, Masuuliyin iyo Qurbo joog ah.

Ciidamada amaanka ayaa isku dayaya in ay soo afjaraan weerarka lagu qaaday Hotelka Cas Caseey, waxaana mararka qaar la maqlayaa bambaanooyin iyo hub kale ay adeegsanayaan dableyda iyo ciidamada Jubbaland.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -