Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka xoogga dalka oo fuliyay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,  gaar ahaan guutada 26-aad ee Cali Bin Abii Daalib, ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxa ay ka fuliyeen deegaanno dhaca xaduudka gobolada Galgaduud Iyo Shabeellada Dhexe.

Howlgalkan ay sameeyeen ciidanka xoogga dalka, ayaa si gaar ah looga sameeyay deegaannada kala ah Cali Goodle iyo Cali Gureey ee dhaca xadka Galgaduud iyo Shabeelaha Dhaxe, halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen maleeshiyaad katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Taliyaha guutada 26-aad G/le Dhexe Cabdiraxmaan Salaad Xujaale, ayaa sheegay in ciidamada fuliyeen howlgallo lagu baacsanayay Al Shabaab, waxa uuna xusay in ciidamada deegaannada ay tageen ay ka eryeen maleeshiyaadkii katirsanaa Al Shabaab.

Ciidanka xoogga dalka ayaa intii ay howlgalka wadeen waxa ay ku fashiliyeen tiro miinooyin ah oo kooxda Al Shabaab ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan ciidanka xoogga dalka iyo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ee ku safra wadooyinkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Dowladda Jabuuti oo soo iibsatay Markabkii ugu horreeyey ee xamuulka qaada

Caydiid Ali

Qoyska Marxuumad Almaas Elman oo War ka soo saaray geerideeda (Akhriso)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Qorsheeneysa Weerar lo adeegsado diyaarado oo ka halis badan kii 2001-dii

Cabdi Cade
Taboola Ads ---