Daawo Sawirada : Sida Axmed Madoobe loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa goordhaw kasoo degay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaano ,Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo dowlada federaalka Soomaaliya katirsan ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wafdiga uu hogaaminayay Madaxweynaha Jubbaland.

Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweynaha Jubbaland iyo Wafdigiisa oo maalmo joogaya magaalada Muqdisho ayaa la dejiyay guri ku agyaala xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, halka markii hore marka uu Muqdisho yimaado degi jiray xarunta Nabad Sugida.

Axmed Madoobe ayaa la filayaa inta uu magaalada Muqdisho joogo la kulmo madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in la dhameenayo heshiisyo si hoose u gaareen Dowlada federaalka iyo Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa mudo dhowr bil ah aan imaan magaalada Muqdisho kadib markii shir ka dhacay magaalada Kismaayo maamul goboleedyada ku shaaciyeen in xiriirka u jareen dowlada federaalka Soomaaliya.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -