Ciidamada Dowlada oo saakay dagaal kula wareegay Deegaanka Moqokori

Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya ayaa saakay dagaal kula wareegay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan, waxaana deegaankaan mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa kooxda Al Shabaab.

Sida aan Wararka ku helnay ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya ay wehliyaan Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa xalay saqdii Dhaxe weerar ku qaaday Deegaanka Maqokori, waxa ayna ciidamada ugu dambeyn saakay la wareegeen deegaankaasi.

Dagaalyahandii Al Shabaab ee ku sugnaa deegaanka Maqokori ayaa dagaal kadib banaanka uga baxay, waxaana xarumaha muhiimka ah ee deegaankaasi saakay lagu arkayaa ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Deegaanka Maqokori ayaa waxaa kal hore sidan oo kale ula wareegay ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya, hasa ahaatee ciidamadan ayaa si lama filaan ah Moqokori uga baxay waxa ayna tilaabadaasi dhibaato kasoo gaartay qaar kamid ah shacabka deegaankaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -